
Azzurri ayaana ka hor tegi doona Three Lions axada wareegooda sideed dhaamadka ka dib markii ay ku dhameysteen booska labaad ee Group C marka loo fiirsho guushii 2-0 ta aheyd ay ka gaareen Republic of Ireland.
De Rossi ayaana maanka ku haaya in wiilasha Roy Hodgson aan si dhib yar lagu dhaafi doonin, isagoo amaanay tayada kabtankooda.
“Gerrard had iyo jeer wuxuu ahaa mid aan ku daydo, wuxuu u ciyaarayey si heer sare ah sanado,” De Rossi ayaa shir jaraa’id ugu sheegay suxufiyiinta.
“England aad ayey u xoog badan yihiin, waxay ku dhowyihiin Italy waxayna heystaan difaacyo wanaagsan. Waxaan door bidi laheyn inaan wajahno Ukraine, laakiin England xitaa waa ok”.
28 jirkaani ayaa ciyaaray difaaca dhexe labadii kulan ee ugu horeysay bandhiga Poland iyo Ukraine ka dib dhaawacyo soo wajahay difaacyada xulkiisa, Cesare Prandelli ayaana kala cadeyn booska uu u isticmaali doono xidiga qadka dhexe ee Kooxda Rome kulanka ay ka hor imaanayaan xulka Englad.
“Prandelli waa I aaminsan yahay, wuxuuna taas igu tusay inuu iga ciyaarsiiyo boos difaac ah”.
“Wuxuu iga ciyaarsiiyaa boosas kale duwan, waana wax jeclahay”.
“Ma aqaan halka aan ka ciyaari doono kulanka England.”