
Ciyaaryahankan oo xilli ciyaareedka cusub ku bilowday guuldarro ka soo gaartay Everton habeenkii isniinta ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda uu taageerayay ilaa iyo yaraantiisii ugu yaraan 2016.
Welbeck ayaa u ciyaaray United 64 kulan waxaana uu u dhaliyay 17 gool tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeysay u ciyaaray September 2008 markaasoo uu ka horyimid Middlesbrough kulan ka tirsanaa League Cup.
Tababare Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay website-ka rasmiga ee kooxdiisa:
“Danny waxa uu kooxda la joogaa tan iyo markii uu sideed sanno jir ahaa waxaana uu sameeyay horumar weyn labadii sanno ee u danbeysay, markii hore oo uu amaa ahaa iyo sannadkii hore oo uu boos ka helay kooxda.
“Waxa uu noqday ciyaaryahan muhim ah, iyo ciyaaryahan heer caalami ahaan muhim ah sidii uu ku soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii Euro. Sannadkan waa sannad kale oo muhim u ah isaga. Waxa uu leeyahay mustaqbal ifaaya oo ka horeeya.”
Welbeck ayaa isna markii uu heshiiska saxiixay waxa uu yiri:
“Inaan u ciyaaro United waa waxa aan mar walba doonayay inaan sameeyo, waa kooxdii aan taageerayay intaan noolaa oo dhan.
“Ma sugi karo tartanka cusub ee xilli ciyaareedkan iyo inaan kooxda ka caawiyo inay koobab u tartamaan.
“Waxaan mar walba wax ka baranayaa tababaraha ugu fiican kubada cagta, waxaana doonayaa inaan ka sii garab ciyaaro kooxda ay ku jiraan ciyaaryahano waa weyn.”