
Kabtankii hore ee England ayaa si lama filaan ah looga saaray xulka 18ka ka koobkan ee Team GB oo uu macalin u yahay Staurt Pearce.
Ryan Giggs, Craig Bellamy iyo Micah Richards ayaa loo xushay seddexda ciyaaryahan ee da’dooda ay ka weyn tahay 23 jir ee loo ogol yahay inay qeyb ka noqdaan xulka ciyaaraha Olimbikada.
“Qof walba waa ogyahay waxa ay iila micno tahay inaan u ciyaaro wadankeyga. Sidaasi darted sharaf ayay ii ahaan laheyd hadii la igu soo dari lahaa”.
“Caadiyan aad ayaan uga xumahay. Qof iiga taageero fiicnaan doona xulka Great Britain ma jiri doono”.
Beckham ayaa si aad ah uga qeyb qaatay olalihii ay London ugu guuleysatay martigelinta ciyaaraha Olimbikada adduunka sannadkii 2005.
Waxaa si aad ah loo filayay in 37 jirkaan uu qeyb ka ahaan doono xulka Great Britian ee ka koobab dalalka magacaas hoos imaanaya.
In Richards loo xusho seddexda ciyaaryahan ee ay da’doou ka sareyso 23 jir ayaa iyada lafteeda ah lama filaan, madaama daafaca Manchester City uu ka diiday Roy Hodgson inuu galo liiska sugitaanka xulkii England ee Euro 2012.
Ciyaartoydii ka qeyb gashay koobka qaramada yurub looma soo xuli doono xulka Olimbikada.
15ka ciyaaryahan kale ee haray waxaa qasab ah inay dhasheen wixii ka danbeeyay 1da Janaayo 1989.