
Weeraryahanka qadka dhexe ka ciyaara ayaa waxa uu ku bilowday garoonka isagoo ka dhinac ciyaaraya Pedro iyo Cesc fabregas.
Daqiiqadii 14aad ayaa lagu bedelay Silva ciyaaryahanka Arsenal ee Santi Cazorla kadib markii uu dhaawaca soo gaaray
waxana uu si toos ah ugaga baxay garoonka isagoo aan fariisan kursiga keydka.
Xiddigii hore ee Valencia ayaa shaki uu ku jiraa in uu ciyaari karo kulanka adage e sabtida ay la ciyaareyso Man City kooxda West Brom ee lagu ciyaarayo garoonka Hawthorns, iyadoo kooxda uu tababaro Steve Clarke aysan weli kala kulmin guuldaro garoonkeeda xilli ciyaareedkan