
lagu doonayo in heshiis cusub uu u saxiixo kooxda Emirates isagoo beeniyey
warar la xiriirinaya inuu doonayo in uu u wareego Real Madrid.
Ciyaaryahankan xulka Spain ka mid ah ayaa waxa uu ahaa 12kii bilood ee la soo dhaafay shaqsi
muhiim u ah kooxdiisa iyo xulka dalkiisaba. Waxana wararka ay tilmaamayaan in
heshiis cusub oo shan sano soconaya uu la saxiixan doono kooxda haysata
horyaalka Premier League ee Manchester City.
Mas’uuliyiin ka tirsan naadiga Man City ayaa la kulantay la taliyaasha 26jirkan waxana uu
laacibkan hore ugaga mid ahaa kooxda Valencia uu ku faraxsan yahay in
mustaqbalka uu la sii joogo City isagoo mushaar ahaan u qaadan doona
£200,000.
“Gurigeygu waa City aad ayaana halkan ugu qanacsanahay. Qalbigeyga lama jiro Real Madrid
balse waxa uu la jiraa Manchester City,”ayuu Silva u sheegay Daily Star.
“Waxaan ka mahadcelinayaa waayoaragnimadayda City waxana aan ku noqday ciyaaryahan weyn
dhinac kasta tan iyo markii aan ku soo biiray.
Ma ogeyn inaan awoodi karo inaan sidan oo kale u ciyaaro marka aan ka soo tegayay
Valencia.
Silva oo sii hadlay ayaa sheegay in uu xilligan uu fasax yahay balse ay wakiiladiisa
wadahadalo kula jiraan kooxda City rajo weyna ka qabo in heshiis degdeg ah
gaaraan.