
Mid kamid ah tababarayaasha kooxda Brian Kidd ayaa hase ahaatee waxa uu sheegay arrin taas ka duwan oo ah in Silva uu safan doono kulanka Ajax ee Cbampionka Arbacada ka dhici doona magaalada Amsterdam.
Si kasta ha ahaatee ciyaaryahankan ka ciyaara garabka ayaa warar ay baahiyeen saxaafada Ingiriiska waxay sheegeen in muddo toddobaad ah ka maqnaan doono dalka Ingiriiska.
Silva ayaa waxa uu ka maqnaan doonaa kulanka Sabtida ee kooxdiisa la yeelanayso Swansea iyo sidoo kale kulanka ku xiga ee West Ham United.
Sida ay qortay Sportsmail Online toddobaadkii hore Silva waxa uu si weyn u doonayay in uu ciyaaro kulanka muhiimka ah ee Ajax kaasoo ahmiyad gaar ah u leh kooxda haysata horyaalka England ee November 6deeda.
City ayaa waxa ay u duuli doontaa aroornimada Talaadada dalka Holland iyadoo aysan la socon ciyaaryahanka qadka dhexe ee Javi Garcia iyo daafaceeda Maicon dhaawac awgii.
Kooxda Manchester City ayaa leh hal dhibic oo qura labadii kulan ee ugu horeysey ee ay safteen Champion League iyagoo guuldaro kala kulmay Real Madrid oo 3-2 ugaga badisey iyo barbardhac ay la gashay Borussia Dortmund.