
Weerarayahanka Barcelona Villa ayaan ciyaarin tan iyo December ka dib markii uu lugta ka jabay ciyaar u dhexeysay Barcelona iyo kooxda Al Sadd kuna tirsaneyd Fifa Club World Cup.
Tababaraha Spain Vicente del Bosque ayaa qorsheynaayey inuu 30 jirkaani kasoo kabsado dhawicii soo gaaray ka hor inta aysan ka qeyb gelin ciyaaraha Yurub.
Si kastaba, ka dib markii uu soo caga dhigtay garoonka ay xulka Spain tababarka ku qadanayeen ee ku yaala Austria, David Villa ayaa la hadlay macalinkiisa si uu ugu xaqiijiyo inuusan diyaar u aheyn ka ciyaarida Poland iyo Ukraine.
Waxaana website-ka uu leeyahay xulka qaranka Spain lagu qoray: “David Villa xaqiiqdii kama mid noqon karo liiska Euro 2012.
“Villa ayaa la hadlay Dakhtarka xulka qaranka galabta [Shalay galab] ka dib markii uu yimid caasimadda dalka Austria”.
Del Bosque ayaa la filayaa in finalka Copa del Rey ka dib uu ku dhawaaqo xulka 23ka ciyaaryahan ee ka qeybgalaya ciyaaraha Euro 2012.