
iyadoo labada xul ay [Group C] ku kulmayaan isniinta.
Croatia ayaa ku la ciyaari doonta xulka heysta koobka aduunka gegeda Gdansk, iyadoo xulkii guuleysta ay hugaanka u qaban doonaan Group-ka ayana xaqiiqsan doonaan boosooda sideed dhamaadka.
Suker ayaa dhaliyey 45 gool 65 kulan uu u saftay Croatia, isagoona caan ku noqday markii uu ku guuleystay kobaha dahabka ah koobkii aduuunka ee 1998dii.
Halyeygaan ayaa yiri “Yaa Doonaya in dalkiisu wajaho xulka heysta Koobka Horyaalada Yurub,”
“Croatia iyo Spain waa labada xul ee aan taageero. Waan jeclahay Croatia inay guuleystaan ciyarta Spain ee isniinta,”ayuu weeraryahankii hore ee Real Madrid iyo Arsenal u seegay El Confidencial.
“Waxaan u jeclahay Spain sida dalkeyga iyo xulkeyga. Waxaana hubaa in taasi ay noqon doonto isbedelkeena, iyo dhaamadka rajadeena Group-ka,”
Mar la weydiiyey hadii ay macquul tahay inay ciyaartu ku dhamaan karto 2 iyo 2, ayna labada xul u dhaqaaqi doonaan markaas isrteebreebka,iyadoo markaasi ay Italy ka suuli doonto koobka. Suker ayaa hoos u dhigay arinkaas inuu dhici karo.
“2-2? Ma u maleynaayo taasi inay dhici karto. Labada xulba waxay doonayaan inay guuleystaan.”