
Hase yeeshee weeraryahanka reer Sweden ayaan saameyn badan sameyn goolka kadib isagoo la bedelay 38 daqiiqo marka ay ciyaartu socotay.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa sheegay ciyaarta inta aysan bilaaban in uu Ibrahimovic ciyaarsiin doono 40-45daqiiqo.
Goolkaa kadib ayaa roob weyn uu ka da’ay garoonka isagoo roobku watay gugac iyo biriq waxaana ciyaarta la hakiyey muddo 45 daqiiqo ah.
Hase yeeshee markii ay ciyaartu dib u bilaabatay ayaa kooxda DC United waxay si dhaqso ah ku barbareysey ciyaarta iyadoo ka dhigtey 1-1 iyadoo uu goolka u dhaliyey De Rosario.
PSG ayaa fursado badan heshay hase yeeshee waxaa ka badbaadiyey goolhayaha kooxda DC United ee Joe Willis oo bedel ku soo galay.