34 jirka reer Ivory Coast ayaa durbaba saameyn ku yeeshay kooxdiisa cuusb ka dib markii uu ciyaaray 45 daqiiqo isagoo gacan ka geystay kulankii ay barbaraha 1-1 wada galeen kooxda Guangzhou R&F. Lakiin tababarihii hore ee Argentina ayaan dooneynin inuu halis geliyo xiddigii hore ee Chelsea kulanka ay la ciyaarayaan maanta Red Devils, iyadoo kooxdiisa ay wajihi doonto kooxda hogaanka u heysa horyaalka China ee Guangzhou Evergrande sabtida soo socota, kulankaasoo ah kulan weyn.
“Haatadan la joogo si hubaal ah uma dhihi karno sababtoo ah dhibaato ayuu dhabarka ka qabaa. Berri [maanta] ayaan arki doonaa” ayuu Batista u sheegay suxufiyiinta ka hor kulanka.
Drogba kaliya ma noqon doono ciyaaryahanada la nasasiin doono, iyadoo Batista uu qirtay in diirada uu saarayo kulanka adage e horyaalka ee sabtida.
“Inkastoo kulankaan uu yahay kulan xayaysiin ah hadana si rasmi ah ayaan isagu diyaarin doonaa. Lakiin anaga waxaa muhim weyn inoo ah tartanka horyaalka”.