
Del Bosque ayaa amaanay awooda ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona, waxaana uu aaminsan yahay inuu leeyahay dabci la mid ah kan xiddigii hore u ahaa Word Number One ee kubada tenniska.
“Andres waxa uu u ciyaarayaa si aad u sareysa. Farsamo ahaan waa nin aad u sareeya, waxaana uu u ciyaaraa si caadi ah isagoo aan dadaal badan ku bixinin” ayuu Del Bosque u sheegay RAC1.
“Waa sida marka uu Roger Federer ciyaarayo kubada tennis-ka, inta badan maba uu dhidio. Iniesta waxa uu kubada ka dhigaa mid aad u sahlan, waa wax aan la qiyaasi Karin inuu anaga noo ciyaaro”.
Xulka Spain ayaa habeen danbe kulan xiiso leh oo wareega 8da ah la ciyaari doonaa xulka France.