
21 jirkaan ayaa isku diyaarinayay ciyaar Play-off oo ay la ciyaarayeen Sweden, markaasoo lafta cagta hoose ay dhib ka soo gaartay, waxaana loo qaaday cusbitaal si raajo loo saaro.
Ilaa iyo haatan lama shaacinin halka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray Borini iyo inta uu maqnaan doono, laakiin waxaa laga yaabaa ciyaaryahankan oo xagaagii Liverpool kaga soo biiray Roma inuu maqnaado bilo halkii uu ka maqnaan lahaa isbuucyo.
Waxaana hadii ay sidaas noqoto ay keeneysaa in Luis Suarez uu yahay kaliya weeraryahanka taamka ah ee ay kooxda heysato mustaqbalka dhow, waxaana Brendan Rodgers uu haatan rajeynayaa in Suarez aysan waxba ku soo gaarin ciyaaraha isreebreebka koobka adduunka ee xulkiisa Uruguay.