
43 jirkaan oo Marseille qabtay 2009kii ayaa shaki la gelinayay mustaqbalkiisa bilihii u danbeeyay, waxaana maanta la xaqiijiyay inuu shaqada ka tagayo.
Warbixin la soo bandhigay www.om.net ayaa u qoneyd sida tan: “Olympique de Marseille iyo Didier Deschamps ayaa ugu danbeyn go’aansaday in labo wado kala raacaan, waxaana la isla ogolaaday in Deschamps uu shaqada kooxda sii wadin xilli ciyaareedka 2012-13.
“Olympique de Marseille waxa ay jeclaan laheyn inay uga mahadceliso Didier Deschamps shaqadiisii seddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana aan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan.”
Deschamps ayaa isaga laftiiisa ka hadlay ka tagitaanka uu ka tagay Marseille, isagoo yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Olympique de Marseille madaama ay I soo taageerayeen seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.”
Ciyaaryahankii koobka adduunka la qaatay France ayaa lala xiriirinayay inuu qabanayo shaqada xulka France ka dib markii ay wajigabax kala kulmeen Euro 2012.