
Didier Drogba ayaa xaqiijiyay shalayto inuu ka tagayo xagaagan Stamford Bridge marka uu dhaco qandaraaskiisa, lakiin ciyaaryahanka ayaa dareensan in kooxda ay heysato qofkii isaga bedeli lahaa.
Drogba ayaa ka warqaba in Torres uu soo maray xilli adag tan iyo markii 50 milyan ginni ugu soo biiray Janaayo 2011.
“Waxa ay u aheyd Torres xilli adag, lakiin waxa uu soo bandhigay inuu yahay ninka ay kooxda ku tashaneyso” ayuu Drogba u sheegay BBC.
“Xilli ciyaareedka soo socda waxa uu noqon doona xilli ciyaareedkiisa, waxaana isku dayi doonaa inaan la hadlo. Waxa inaga dhaxeeya xiriir fiican. Ma aanan fahmin sababtii aan wax badan u wada ciyaari weynay, lakiin waa la soo dhaafay taas haatan. Torres ayaa ah mustaqbalka” ayuu hadalkiisa raaciyay ciyaaryahan 10 koob oo waa weyn la qaaday Chelsea sideedii sanno ee uu kooxda joogay.