
dhaweeyaan weeraryahanka Ivory Coast Didier Drogba, oo si aad ah loo sugayay
inuu maanta oo sabti ah gaaro kooxda Shanghai Shenhua oo ku dhibtooneysa
horyaalka dalkaas.
Drogba ayaa u saxiixay kooxda reer China heshiis labo sanno iyo bar ah isagoo lagu soo
waramayo inuu isbuucii ka qaadanayo 300 kun ginni, waxaana uu ku biiray ka dib
markii uu Chelsea ku hogaamiyay koobka Champions League.
34 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa kula biiri doona kooxda saaxiibkiisii hore ee
Chelsea Nicolas Anelka, iyadoo kooxda ay ku ku jirto kaalinta 13aad ee horyaalka
ka koobka 16ka kooxood ee Chinese Super League. Shanghai Shenhua waxaa tababare
u ah tababarihii hore ee Argentina Sergio Batista.
Taageerayaasha ayaa yimid waqti hore saaka garoonka Shanghai Pudong International Airport,
iyadoo intooda badan ay ku labisnaayeen maaliyada buluuga ee kooxda oo ay dusha
ka qoran tahay “Drogba 11”, waxaana ay rajo ka qabaa in weerar ay kawada
ciyaarayaan Drogba-Anelka inay kooxda sarre u qaadi doonto.