
Shanghai Shenhua ayaa sheegtay inay heshiis la gaareen 34 jirkaan, kaasoo beeca xorta ah kaga tagay Chelsea. Lakiin kooxda Imaaraadka Carabta ka dhisan ee Al Wasl oo uu tababare u yahay Maradona ayaa rajo ka qabto inay ka dhaadhiciyaan xiddiga reer Ivory Coast inuu iyaga ku biiro.
Waxa ay bixin karaan lacagta 300 kun ginni isbuucii ah ee ay kooxda reer China diyaarka la tahay inay mushahar ahaan u siiso Drogba.
Waxaana Al Wasl ay sidoo kale rajeyneysaa inay tabarucaad u sameyo ururka Drogba uu leeyahay ee uu ku caawiyo dadka aan waxba heysan.
Maradona ayaa yiri sida ay qortay The Sun: “Waa cidma qofka aanan rabin Dorgba? Koox kasta ayaa jecel inay heysato ciyaaryahan sidiisa oo kale ah”.