
ma uu aaminsana in kabtanka Spain iyo Real Madrid uu ka qaadi karo abaalmarinta
Ballon d’Or ciyaaryahanka uu ku tilmaamay inuu yahay farshaxaniistaha kubada
cagta Lionel Messi.
Iker Casillas ayaa markii uu Euro 2012 ku hogaamiyay xulkiisa Spain waxaa la soo
hadal qaaday inuu qeyb ka noqon doono tartanka abaalmarinta Ballon d’Or, lakiin
Zoff ayaa qaba in Messi aan laga qaadi doonin abaalmarintan.
“Waan ku faraxsanaan lahaa inaan abaalmarinta siiyo Casillas” ayuu halyeeyga reer
Italy u sheegay AS.
“Lakiin daacadii ma arko Casillas oo ku guuleysanaya. Waxaana qabaa in Messi uu ku
guuleysan doono mar kale. Aniga ahaan waxa uu ii yahay ciyaaryahanka ugu fiican
aduunka; waa farshaxaniiste.
“Waa ciyaaryahanka ugu fiican, Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu soo dhow. Waa labada
ciyaaryahan ee adduunka ugu fiican. Labadooda ka dib ayay kuwa kalena soo
galayaan Casillas, Pirlo, Buffon”.
“Casillas waxa uu leeyahay tayo badan. Waa ciyaaryahan dhameystiran. Muran kama taagna
inuu ka mid yahay ciyaaryahanada ugu fiican adduunka. Waa mid ka mid ah
goolhayayaasha ugu fiican caalamka isaga iyo Buffon iyo Cech”.
“Lakiin Messi waa wax kale”.
Zoff ayaa 112 kulan u saftay dalkiisa, waana ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee qaada
koob adduunka isagoo ku hogaamiyay Azzurri 1982dii.