
kooxda Liverpool Dirk Kuyt ayaa ogolaaday heshiis uu seddex sanno ugu biirayo
kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga.
Fenerbahce ayaa ku dhawaaqday warkaan iyadoo soo dhigtay suuqa saamileyda Turkiga iyo
weliba waxa ay sidoo kale ku soo qoreen bogooda Twitter.
Liverpool ayaa markaasi ka dib soo saartay warbixin ay ku xaqiijineyso:
“Liverpool Football Club waxa ay xaqiijin kartaa in Dirk Kuyt uu nagu soo wargeliyay inuu
maanta heshiis la gaaray kooxda Fenerbahce, waxaana u wareegitaankiisa la
filayaa in la dhameystiro maalmaha soo socda”.
Bixitaanka Kuyt ayaa soo gabagabeyneysa lix sanno oo uu ku qaatay Anfield, waxaana uu ka
mid yahay ciyaartoyda ay ugu jecel yihiin taageerayaasha Liverpool madaama
lixdaas sanno uu soo bandhigay shaqo ma daalanimo ah.
Kuyt ayaa 2006dii Liverpool kaga soo biiray kooxda Feyenoord, waxaana xilli
ciyaareedkii dhamaaday uu dhaliyay kaliya labo gool 22 kulan uu ku bilowday,
iyadoo Liverpool ay ku dhameystatay kaalinta 8aad.
Si kastaba, Kuyt ayaa Liverpool qaaday koobkiisii ugu horeeyay oo ah Carling
Cup.