
Ciyaaryahankan reer Ivory Coast ayaa dhinac Bari u wareegay bishii June ee sanadkan kadib markii uu sideed sano u ciyaarayay Stamford Bridge waxana uu sheegay heshiiska uu ugu wareegay Shiinaha uu ahaa oo kaliya mid mustaqbalkiisa uu u xushay.
Drogba ayaa rumeysan in uu waxbadan ku kordhinayo kooxda uu u ciyaaro ee ka dhisan dalka Shiinaha uusana dhib badan kala kulmi lahayn Europe haddii uu sii joogi lahaa.
“Tan ma aha musaafuris dahabi ah,”ayuu Drogba u sheegay Telefoot. “Waa xulasho mustaqbal,waxan aan u qaatay si sax ah. Waxana aan ogahay inaan wax u keeni karo kooxdayda cusub. Waa ii fudeyd inaan iska sii joogo Yurub balse waxaan doortay China. Muhiimadu ma ahan lacag,waxaan halkan u joogaa in aan helo waayoaragnimo cusub.”
Drogba, oo hadda ka dhinac ciyaara laacibkiii ay isla joogeen Chelsea ee Nicolas Anelka, ayaa dhaliyey afar gool lix kulan oo uu u saftay kooxdiisa illaa iyo hadda.
Waxana uu 34jirkaan uu sii raaciyey in uusan u joogin Asia in uu sii sagootiyo sanadihii u dambeeyey ee mustaqbalkiisa.
“Halkan uma joogo inaan ciyaaraha uga fariisto,”ayuu yiri laacibkii u dhaliyey Chelsea goolkii ay ku qaadatay koobka Championka Yurub bishii May ee sanadkan.