
21 jirkaan kubadsameeyaha ah ayaa yimid Stamford Bridge xagaagii adduun lacageed oo gaaraya 40 milyan euro. Waxaana uu soo jiitay taageerayaal badan isagoo qeyb weyn ka qaatay guulihii ay kooxda ka gaartay kulamadii Wigan iyo Reading ka hor inta uusan dhalin goolkiisii ugu horeeyay ee Chelsea kulankii Newcastle.
Lakiin inkastoo uu si wacan ku bilowday, ciyaaryahanka reer Belgium ayaa sheegay in maskaxdiisa aysan soo marin inuu noqdo xiddig koox ka dhex muuqda.
“Waxaan jeclahay inaan goolal u dhigo asxaabteyda aan garoonka kuwada jirno” ayuu u sheegay Majalada Champions Matchday.
“Halkaan uma joogo inaan xiddig noqdo, ama inaan dadka istustuso. Waxaan halkaan u joogaa inaan la ciyaaro asxaabteyda kooxda.”
Chelsea ayaa kaga badisay kooxo badan oo waa weyn saxiixa Hazard, kaasoo raacaya wadadii ay raaceen raga kale ee ay isku wadanka yihiin ee u dhaqaaqay Premier League ee Marouane Fellaini, Mousa Dembele, Jan Vertongen iyo Vincent Kompany.
Si kastaba, Hazard ayaa qirtay inuu wajahayo tartan ah inuu la qabsado nolosha England.
“Halkaan gabi ahaanba waa ay ka duwan yahay France. Lille markii aan la joogay hadii aan aadno koonfurta France cidna nama aysan aqoonsan jirin. Lakiin Chelsea, ciyaartoyda waxa ay joogaan heer kale.” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Wax walba waa iska key bedeleen – luqada, wadanka – lakiin aniga ayay igu xiran tahay inaan la qabsado.”