
Ciyaaryahan Kevin De Bruyne ayaa xiran doona numberka 14aad, numberkaasoo ah mid aan la isticmaalin xilli ciyaareedkii hore.
Ciyaaryahanka ugu magaca weyn ciyaartoyda ay la soo wareegtay xagaagan Chelsea ee Eden Hazard ayaa isna xiran doona numberka 17aad oo uu hore u xiran jiray ciyaaryahankii hore ee Blues Jose Bosingwa. Halka Marko Marin uu isna xirtay numberka 21aad ee uu ka tagay Salomon Kalou.
Seddex ciyaaryahan ayaa qeyb ka noqon doona kooxda Chelsea ee sabtida u duuli doonta Mareykanka.