
Iyadoo inta badan lala xiriirinaayey Blues ka dib markii uu go’aansaday inuu u dhaqaaqo kooxda reer London, 21 jirkaan u dhashay Belgium ayaa si rasmi ah uga mid noqday ciyaartoyda Chelsea.
“Kooxda Kubadda Cagta Chelsea waxay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso inaan isku waafaqnay kooxda Lille kala soo wareegidda Eden Hazard,” ayey Chelsea ku shaaciyeen website-kooda.
“Eden Hazard ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda manta ayuuna u maray tijaabada caafimaadka”.
“Wuxuu kooxda kusoo biiri doonaa July marka ay ciyaartoydu u soo laabtaan tababarka xagaaga.”
Ciyaaryahanka,oo ku xaqiijiyey bogiisa Twitter-ka inuu ku biirayo Chelsea asbuucii laso dhaafay ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan kama dambeystii halkaan soo caga dhigto,waa koox cajiib ah waxaana sugi la’ahay inaan halkaan ka bilowdo ciyaarteyda.”
Hazard oo lasoo werinaayo inuu 32 million kaga so dhaqaaqay Lille ayaa noqonaaya ciyaaryahankii labaad ee ay Chelsea la soo wareegto ka dib markii ay la soo wareegeen xiddigii khadka dhexe ee Germany Marko Marin, halka sidoo kalena ay qarka u saaran yihiin weeraryahanka Porto Hulk.