
Ciyaaryahankan oo 32 milyan ginni laga soo bixiyay xagaagan, ayaa saameyn degdeg ah ku yeeshay qaab ciyaareedka Blies, isagoo caawiye ka noqdo lix gool islamarkaana dhaliyay gool kale seddex kulan oo uu kooxda u saftay, waxaana uu rajeynayaa inuu sidaasi ku sii wado oo uu koob ku guuleysto dhamaadka xilli ciyaareedkan.
“Marka aad Chelsea joogto waa inaad ku guuleysataa kulan kasta. Ujeedada waa inaad guuleysataa, guuleysataa, guuleysataa. Xilli ciyaareedkan waxaan qabaa inaan u tartameyno 7 koob” ayuu Hazard u sheegay The Sun.
“Koobkii ugu horeeyay waxaan la ciyaarnay Manchester City Community Shield. Hadii aan lixda kale ka helno labo ama seddex koob waxa ay ahaan laheyd wax weyn.
“Kooxaha waa weyn, hadii ay ahaan laheyd Chelsea ama Manchester City waxaa la sameeyay inay wax ku guuleystaan.”