
Kubadsameeyaha reer Belgium ayaa abaalmarintaa ka qaaday ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Montpellier Younes Belhanda, iyo weeraryahanka kooxda Montpellier Olivier Giroud iyo xiddiga kooxda Paris St Germain Nene iyadoo ay abaalmarintan u codeeyeen macalimiinta iyo ciyaartoyda horyaalka Faransiiska. Hazard, oo ku hogaamiyay Lille horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkii hore ayaa la filayaa inuu ka tago xilli ciyaareedkan islamarkaana uu caga dhigto Premier League.
“Halka aan aadi doono waa Manchester” ayuu yiri isagoo ka hadlayay xafladii lagu gudoonsiinayay abaalmarinta, lakiin ma uusan carabaabin inuu u dhaqaaqayo kooxda horyaalka ku guuleysatay ee City ama kooxda kaalinta labaad ku dhameysatay ee United.
“Go’aan ayaan goordhow gaari doonaa. Goor dhow ayaadna ogaan doontaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Labada kooxood ee Manchester ayaa aad u doonaya laacibkan, iyadoo labada tababare-ba ay bishii hore tageen France si ay ciyaaryahanka u daawadaan, lakiin weli lama oga halka uu caga dhigan doono City ama United.