
Goolasha oo kala dhashay labadii qeyb ee ciyaarta ayaa waxaa dhaliyay ciyaaryahanka da’da yar Stephan El Shaarawy, isagoo siiyay ugu danbeeyay waxa ay jamaahiirta Milan ku farxaan.
Inkastoo guushaas ay qeyb weyn ka qaadatay casaankii uu Cagliari qeybtii labaad ka qaatay ciyaaryahanka khadka dhexe Daniele Conti, iyadoo kooxda martida aheyd raadineysay goolka barbaraha.
Dhinaca kale kooxda Inter Milan ayaa iyadana ka soo kabsatay guuldaradii ugu danbeysay ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Chievo oo ay marti u ahaayeen.
Nerazurri ayaa goolasha uga mahadcelineysa Pereira iyo ciyaaryaha Antonio Cassano oo guusha xaqiijiyay qeybtii labaad ee ciyaarta.
AS Roma ayaa iyadana barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Sampdoria, waxaana goolka ku hormartay kooxda ka dhisan caasimada markii uu gool u dhaliyay Francesco Totti, lakiin Sampdoria oo casaan laga qaatay ayaa barbareysay markii uu shabaqa soo taabtay Munari.
Kooxda Napoli waxa ay 3-0 dirtay kooxda Lazio kulan xiiso leh oo labada kooxood ku dhexmaray Naples.
Edinson Cavani ayaana seddexda goolba dhaliyay, isagoo helay seddexleey iyo seddex dhibcood oo kooxdiisa ay ku heshay.
FTPescara1 – 0Palermo FTAC
Milan2 – 0Cagliari FTAS
Roma1 – 1Sampdoria
FTCatania2 – 1Atalanta
FTChievo0 – 2Inter Milan
FTGenoa1 – 1Parma
FTNapoli3 – 0Lazio
FTTorino0 – 0Udinese