
Daafacii hore ee kooxda Siena ayaa ku xirnaa albaabka xiriirka kubbada cagta ee dalka Talyaaniga magaalada Rome tan iyo sabtidii.
Ciyaaryahankan ayaa bilaabay inuu cuntada ka soomo isagoo ka cabanaya go’aankii ahaa in uusan ciyaari karin muddo saddex sano kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa fadeexadii sharadka.waxana uu ciyaaryahankan dalbaday in la soo horjoojiyo dadka eedeeyey ee kala ah Filippo Carobbio iyo Carlo Gervasoni.
Pesoli ayaa ku dhowaaqay inuu joojinayo cunto ka soomida kadib markii loo ballanqaaday in Jimcaha uu la kulmi doono madaxweynaha FIGC Giancarlo Abete.
“Taqtarka ayaa i baaray maanta waxana uu igu qasbay inaan wax cuno,” ayuu Pesoli u sheegay wakaalada wararka ee ANSA.
“Sababta dhabta ah ee aan uga noqday mudaaharaadkeyga waa iyadoo uu guddoomiye ku xigeenka xiriirka Demetrio Albertini uu ii yeeray ina tusay waxyaalo macquul ah.
“Qof ka socota xeer ilaalinta iyo xafiiska maxkamada federalka ilama soo xiriirin, sidaas ayaan u go’aansaday in aan dib ugu laabto carruurteyda oo aan sugo kulanka Madaxweyne Abete, waxana u malaynayaa in uu yahay go’aanka kan ugu macquulsan ee aan gaari karo.”
Abete ayaa sidoo kale waxa uu la kulmayaa Maurizio Nassi kaasoo cabashadiisa ay dhamaatay shalay.