
San Marino, oo ah xulka ugu hooseeya qiimeynta FIFA ee xulalka adduunka ayaa waxaa sii quusiyay oo goolka shanaad ka dhaliyay Chemberlain daqiiqadii 77aad.
Dhinaca kale xulka Jarmalka ayaa 6-1 ku xasuuqay xulka Republic of Ireland kulan kale oo isreebreebka koobka adduunka qaarada yurub ee Group C.
Reus iyo Kroos ayaa min labo gool u dhaliyay xulka Jarmalka, halka Mesut Ozil uu isna u saxiixay gool rigoore ahaa, waxaana shabaqa sidoo kale soo taabtay halyeeyga weerarka ka ciyaara Mirosalav Klose.
Group B ee isreebreebka koobka adduunka, xulka Italy ayaa 3-1 kaga talaabsaday Armenia, waxaana inkastoo goolka looga hormaray guusha u sahlay, rigoore uu u dhaliyay Pirlo iyo goolal ay u kala dhaliyeen De Rossi iyo Osvaldo.
Group D xulka Turkiga ayaa guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay Romania, iyadoo Holland ay 3-0 dirtay xulka Andorra, waxaana Netherlands ay goolasha uga mahadcelineysaa Rafael Van der Vaart , Huntelaar iyo Schaken.
Xulka Portugal oo isreebreebka koobka adduunka qaarada yurub kaga jira Group F ayaa guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay xulka Russia, waxaana Russia goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii 6aad Kerzhakov.
Group-ka I ee isreebreebka koobka adduunka, waxaa iyadana si raaxo leh ku badisay xulka difaacanaya koobka adduunka ee Spain kuwaasoo 4-0 ku xaaqay xulka Belarus, waxaana seddexleey u dhaliyay Pedro, halka goolka afaraad uu shabaqa soo taabsiiyay Jordi Alba.