
England, oo lugtii hore ku soo badisay 1-0, ayaa lugtii labaad oo ka dhacday koonfurta Serbia xalayto waxa ay ku xaqiijisteen guul kale oo 1-0 ah, taasoo u ogolaatay inay ku soo baxaan wadar ahaan 2-0.
Laakiin waxa ay la kulmeen dagaal iyo cunsuriyad iyagoo u dabaaldegayay goolkii guusha ee uu u dhaliyay Connor Wickham.
Dhibaatada ayaa markaasi sii weynaatay markii ciyaartoyda Serbia ay bilaabeen inay dagaal ku qaadaan dhigooda England.
Taageerayaasha ayaa iyagana sameeynayay dhawaaq daanyeer iyo tilmaamo daanyeer iyagoo kala jeeda ciyaartoyda madow ee xulka England, Danny Rose oo ah daafaca England ayaa ka carooday sida taageerayaasha ay u sameynayaan tilmaamo cunsuriyad ah waxaana uu ku tuuray kubad taasoo keentay in casaan la siiyo.
“Waxaan qabaa inay jiraan dhacdooyin cunsuriyad lagula kacay ciyaartoyda oo ka yimid taageerayaasha, waxaana cabasho u gudbinay UEFA, waana inay wax ka qabtaan arintaan” ayuu macalinka xulka England ee 21 jirada Stuart Pearce u sheegay ESPN.