
32 jirkan daafaca ka ciyaara ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii beerka loo bedel bishii April, sannad ka dib markii buro laga soo bixiyay beerkiisa.
Ninka reer France ayaa si horumar leh dib u soo helaya taam ahaanshihiisa, isagoo sii wada soo kabsashadiisa uu ku sameynayo Ciutat Esportiv, inkastoo aan weli la ogeyn xilliga loo ogolaan doono inuu ninka reer France ku soo labto garoomada.
Waxa uu diyaar Paris ah la raacay kooxda inteeda kale, waxaana uu wehlin doonaa kooxda marka ay ciyaar saaxiibtinimo kula ciyaarayaan Parc des Princes, kooxda PSG.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska oo saxiixay heshiis cusub bishii Janaayo, ayaa 120 kulan oo La Liga ah u saftay kooxda inta iyo intii uu Lyon kaga soo biiray 2007dii.