
Xiddiga reer France ayaa qaliin beerka looga bedelayo ku galay Barcaclinic 10kii bishii April waxaana uu ilaa markaas ku jiray ka soo kabsashada qaliinkaas.
Abidal ayaa haatan la siiyay ogolaansho ah inuu ka bixi karo isbitaalka islamarkaana uu soo kabsashadiisa ku qaadan gurigiisa isagoo la jooga qoyskiisa.
Ciyaaryahankii hore Olympique Lyonnais ayaa qaliin looga bixiyay buro waxa uu maray March 2011, waxaana uu garoomada ku soo laabtay isla sannadkii hore markaasoo uu ciyaaray finalka Champions League.
Ka soo bixitaanka isbitaalka ee Abidal ayaa faa’id dhanka maskaxda ah waxa ay u tahay Barcelona oo finalka Copa del Rey 25ka bishaan la ciyaari doonta kooxda Athletic Bilbao.