
Qeybtii hore ee ciyaarta oo labada kooxood ay fursado fiican kala heleen, ayaa ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.
Liverpool ayaa hoganka ciyaarta qabatay daqiiqadii 53aad markii gool qatar ah uu u dhaliyay Stewart Downing kaasoo goolka ka toogtay afaafka hore ee diilinta ganaaxa.
Goolkaas ayaana ugu filnaa in Liverpool ay guul ku gaarto Anfield, inkastoo Samuel Eto’o iyo kooxda Anzhi ay ciyaar adag la ciyaareen kooxda martida loo ahaa.
Liverpool ayaa haatan leh 6 dhibcood 3 kulan oo ay ciyaareen, iyaga ayaana hogaanka u haya Group A, halka Anzhi Makhachkala iyo Udinese ay wada leeyihiin 4 dhibcood.
Udinese ayaa guuldarro culus ay ka soo gaartay kooxda reer Switzerland ee Youn Boys, kuwaasoo ku badiyay 3-1.
Young Boys ayaana gaartay guushii ugu horeysay iyaga ayaana u hooseya Group A oo leh 3 dhibcood.
Group B kooxda difaacaneysa koobkaan Atletico Madrid ayaa iyadana guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Academica Coimbra, iyagoo ku quusiyay 2-1.
Costa iyo Belözoglu ayayna uga mahadcelinesysaa kooxda reer Spain goolasha ay dhaliyeen.
Atletico Madrid iyada ayaa Group-kaan ku hogaamineysa 9 dhibcood, halka Victor Plezen oo 2-1 kaga badisay Hapoel Tel-Aviv FC ay ku jirta kaalinta labaad iyagoo leh 6 dhibcood.
Kulamada kale ee xiisaha leh ee dhacay kooxda Newcastle ayaa 1-0 kaga badisay kooxda Club Brugge, iyadoo goolka uu u dhaliyay Obertan.
Kooxda Jarmalka ee Stuttgart iyo Copenhagen ayaa iyagana ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah.
Napoli waxa ay guulodarro culus iyadana ka soo gaartay kooxda Dnipro D’petrovsk, kuwaasoo ku badiyay 3-1.