
Ciyaaryahanka reer England ayaa si carro leh uga jawaabay ka dib markii la soo saaray warbixintii lagu sababeynayay ganaaxii afarta kulan ee John Terry, iyadoo warbixinta ay tilmaameysay in cadeyntii Ashley Cole ee baaritaanka ay sameeyeen inay aheyd mid aan lagu kalsoonaan karin.
Warbixin goordhaweyd ay soo saartay FA-ga ayaa lagu yiri: “FA-ga waxa ay dacwad ku soo oogayaan Ashley Cole oo la xiriirta hadaladii uu ku soo qoray Twitter kuwaasoo ahaa kuwa aan habooneyn islamarkaana muran ku keenay ciyaarta.
“Cole waxa uu heystaa ilaa 4ta galabnimo khamiista inuu kaga jawaabo eedeymaha lagu soo oogay.”
Cole ayaa maanta waxa uu la kulmayaa asxaabtiisa xulka England iyagoo isku diyaarinaya kulamada isreebreebka koobka adduunka ee San Marino iyo Poland.
Alan Shearer ayaa isna saaka ku baaqay in Cole laga mamnuuco inuu ciyaaro kulanka San Marino ee jimcaha.