
Ferdinand oo u jawaab celinayay qof taageere ah ayaa ku tilmaamay Ashley Cole inuu yahay ‘Choc ice’ oo ah kalmad loo isticmaalo qof midabkiisa madow yahay balse isku maleeya inuu cadaan yahay.
Waxaana sababta keentay arintaas ay ka danbeysay ka dib markii Ashley Cole uu marqaati fur u noqday John Terry oo lagu heystay dacwad maxakamadeed oo la xiriirta inuu cunsurinimo kula kacay Ferdinand walaalkiisa ka yar Anton, iyadoo markaas Cole uu sheegay in Terry uusan cunsuri aheyn islamarkaana ay qaladba tahay in maxkamad la soo taago.
Ka dib markii dacwada maxkamdaasi ay soo dhamaatay ayaa Rio Ferdinand uu u jawaabay taageere ka careysnaa Ashley Cole, taageerahaas ayaana Ashley Cole ku tilmaamay inuu yahay Choc ice, halka Ferdinand uu ku raacay kuna soo celiyay isla ereygaas.
Warbixin ay soo saareen FA-ga ayaa lagu yiri: “Eeda lagu heysto ciyaaryahanka ayaa ah inuu u dhaqmay si aan hagaagsaneyn, isagoo hadalo isir iyo midab la xiriira ku hadlay”.
Ferdinand ayaa heysta ilaa 2da August inuu ka jawaabo dacwada loo heysto.