
Bernstein ayaa rajeynaya in ugu danbeyn go’aan adag laga qaadan doono cunsuriyada ka dib kiiskiisii Terry.
Terry ayaa lagu ganaaxay afar kulan iyo 220 kun ginni, ka dib markii lagu helay inuu cunsurinimo kula kacay daafaca QPR Anton Ferdinand xilli ciyaareedkii hore.
Xilliga ay ku qaadatay FA-ga inay talaabo kaga qaadaan Terry ayaa lagu dhaleeceeyay, inkastoo baaritaankooda ay hakisay maxkamadii madaniga aheyd ee qaadeysay kiiskaan.
Go’aanka FA-ga ayaa soo baxay labo isbuuc ka hor iyadoo ganaaxa uu aqbalay John Terry shalayto.
Waxaana gudoomiyaha FA-ga Bernstein uu yiri: “Go’aanka John Terry uusan racfaan kaga qaadan ganaaxii lagu soo rogay waxaan rajeynayaa inay arintaan adag soo xirto, taasoo nasiib darro dhaawacday sharaftii kubada cagta Ingariiska.
“John Terry haatan waa la ganaaxay, waxaana lagu ciqaabayaa falkii uu geystay. Waan ku faraxsanahay inuu raaligelin bixiyay, waana inaan si adag wax uga qabanaa arintaan.”