
xulka Russia.
Sii hayaha xilka madaxweynaha xiriirka kubada cagta Russia Nikita Simonyan ayaa
xaqiijiyay inay go’aansadeen inay shaqada xulka qaranka u dhiibaan Fabio
Capello, ka dib markii Russia ay wajigabax kala kulantay koobkii Euro 2012.
“Waxaan go’aansanay inaan u magacowno Fabio Capello tababaraha cusub ee xulka qaranka.
Waxaan sugeynaa inuu maalmaha soo socda soo gaaro Moscow si uu loo dhameeyo
heshiiska oo uu qalinka ugu duugo” ayuu Simonyan u sheegay saxaafada.
66 jirkaan Talyaaniga ayaa iska casilay bishii Febraayo shaqada xulka England,
waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqadiisa cusub.