
Xulka Roy Hodgson ayaa ku wajahaya Azzurri magaalada Kiev ka dib markii kalinta koowaad ay kaga soo baxeen Group D, welina tababarihii hore ee West Brom wax guuldarro ah kama soo gaarin xulka qaranka.
Lakiin tababarihii hore Capello oo ahaa ninkii booska u baneeyay Hogson ayaa sadaaliyay in Gemany iyo Spain ay isagu soo bixi doonaan finalka koobkaan Euro 2012.
“Kulanka axada fekrado kala duwan oo iska soo horjeeda ayaan ka qabaa” ayuu 66 jirkaan u sheegay The Mirror.
“Waxaan la shaqeeyay England muddo afar sannadood ah, taasna si sahlan kuma ilaawi karo. Si kastaba Spain iyo Germany ayaa finalka isagu imaan doona Euro 2012”.