
Sevilla ayaa waxa ay soo saftay kooxdeedii ka badisey Real Madrid waxayna hogaanka ciyaarta qabteen qeybtii hore markii ay socotay 26 daqiiqo waxaana goolka koowaad u dhaliyey Piotr Trochowski kadib markii uu meel cidlo ah ka helay kubbada.
Ciyaarta oo dhinaca jirka la isku isticmaalayay ayaa kooxda Barca dhowr jeer ku qeyliyeen garsooraha hase yeeshee qeybtii hore ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaaminaysay Sevilla.
Dhowr daqiiqo markii ay socotay ciyaarta ayaa kubbad loo dhigey Messi waxaa dhexda ka qabsaday Mede loo isna u tuuray Negredo kaasoo dhaliyey goolkii labaad ee Sevilla kana dhigey 2-0.
Hase yeeshee dadaal badan oo ay sameeyeen Barcelona ayaa u suurtogashay in uu Fabregas uu gool u dhaliyo. Markaa kadib ayay rajadii Barca soo noqotay waxaana uu tababare Vilanova uu sameeyey saddex bedel isagoo soo geliyey David Villa,Tello iyo Thiago.
Fabregas oo ahaa xiddigii ciyaarta ayaa goolkii barbaraha dhaliyey daqiiqadii 89aad inkastoo dood badan ay ka keeneen kooxda Sevilla kadib markii gacanta lagu taabtay kubbada inta uusan dhalin Fabregas.
Kooxda Sevilla ayaa waxaa sii quusiyay daqiiqadii 90aad David Villa oo kubbad ay isku taabsadeen Messi shabaqa soo taabsiiyey.