
Inkastoo saddexdii kulan ee la ciyaaray horyaalka La Ligaha uu ka mid ahaa ciyaartoydii ku bilaabatay garoonka ayuu Febregas uusan ku faraxsanayn in uu qeyb uun ka ciyaaro kooxdiisii uu ku soo barbaaray, isagoo ku soo laabtay Nou Camp siddeed sano uu ugaga maqnaa Arsenal kadib markii laga bixiyey £30million.
Fabregas ayaa u sheegay Radio Marca” Ma jiro wax ka xun inaan noqoto keyd weyn kubbada cagta dhexdeeda.
“Ma kuu sheegi karaayo waxa uu yahay keydka weyn.
“Waxaan marwalba la jeclahay kooxdayda wanaag,waxaana aan tusaa waji farxadeed.
“Haddii aan wajigeyga oo murugeysan aan la tago guriga waxba kamaha xagayga, laakiin marnaba uma ogolaanayo ciyaaroyda aan isku kooxda nahay iyo tababaraha inay igu arkaan waji murugeysan.”
Ciyaaryahankan 25jirka ah ayaa waxa uu tartan kala dhexeeya ciyaartoyda qadka dhexe ka dheesha ee kooxdiisa sida Andres Iniesta, Xavi, Sergio Busquets iyo Alex Song oo dhowaan ku soo biiray kooxda.
“Qof walba waxa uu jecel yahay in uu ciyaaro daqiiqad kasta oo ciyaarta ah dhammaan xilli ciyaareedka,”ayuu sii raaciyey.
“Sida aan mar walba sheego waxaan u ciyaaraa kooxda ugu wanaagsan caalamka. Laakiin waxan u imid halkan inaan tartamo,wax barto oo aan ku raaxeysto ee uma imaan in aan iska fadhiyo oo aan fekero.
“Tababaraha wuu yaqaan waxa aan keeni karo. Balse saddexda boos ee aan ka ciyaari karo ayaan kula tartamayaa saddexda laacib ee dunida ugu fiican.
Fabregas oo sii hadlay ayaa waxa uu yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo kooxdan balse marka uu tababraha ii sheego inay tahay inaan baxo waan tegayaa.
“Balse uma fududeynayo in uu sidaa sameeyo, si walba oo ay ahaato waan sii soconayaa anigoo rajaynaya in la gaaro waqti ay arrimaha isbedelayaan.
Waxana uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey”Waxaan halkan u imid inaan mustaqbalkayga ku dhamaysto.”