
Kooxda Jarmalka ayaa soo wada badisay dhamaan kulamada tartan rasmi ah ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan oo dhan oo ay ku jirto lix kulan oo Bundesliga ah, waxaana laga dhaliyay kaliya labo gool ilaa iyo haatan.
BATE ayaa iyaga laftooda cirkaa sarre maraya, waxaana ay sanka ka heystaan horyaalka taagta daran ee Belarus, lagamana badinin 16 kulan tartamada oo dhan.
Kooxda BATE ayaa 3-1 ku garaacday Lille oo ay marti u ahaayeen kulankoodii ugu horeeyay ee Group F, iyagoo seddexda goolba dhaliyay qeybtii hore si ay muran uga saaraan natiijada.
Waxa ay hadana soo bandhigeen awoodooda gooldhalinta markii ay 5-1 ku xasuuqeen kooxda horyaalkooda ee Neman Grodono isbuucaan, iyadoo afar gool ay ku dhaliyeen 19 daqiiqo gudaheeda.
Si kastaba, horyaalka ay ka ciyaarayaan ayaa ah si aad ah uga hooseysa horyaalka ay isbuuc walba ciyaarto Bayern, waxaana kooxda Jarmalka ay rajeyneysaa inay garaacdo BATE marka ay Minsk ku kulmaan:
MAXAA KA CUSUB?
Tababaraha Bayern Munich ayaa kulankii ay 2-0 kaga badiyeen isbuucaan Werder Bremen waxa uu nasasiistay Mario Mandzukic iyo Javi Martinez. Si kastaba labada ciyaaryahan ee ku cusub kooxda ayaa la filayaa inay caawa ciyaaraan.
Arjen Robben ayaa dhibaato muruqa ka heysatay ku seegay kulankii Werder Bremen, lakiin waxa uu tababar iskiis ah qaadanayay axadii. Inuu ciyaari doono iyo in kale ayaa ah wax u baahan in la sugo oo la arko, laakiin Thomas Muller iyo Toni Kroos ayay u badan tahay inay sii ceshan doonaan booskooda kubadsameeyaha.
Mario Gomez ayaa si aayar ah uga shaqeynaya taam ahaanshihiisa ka dib qaliin lagu sameeyay ka hor xilli ciyaareedka inta uusan bilaaban, iyadoo David Alaba iyo Diego Contento ay iyagana weli dhaawac yihiin.
Dhinaca kale ugu yaraan midkood Valencia iyo Lille ayaa iyagana laga yaabaa inuu midkood akoonka Group F furto marka ay ku kulmaan caawa Spain, waana dagaal u dhaxeeya labo kooxood oo la soo garaacay kulankii ugu horeeyay ee Groupka.
Valencia ayaa ku dhibtooneysa kaalinta 10aad ee La Liga lix kulan oo ay ciyaareen, waxaana kulankii ugu danbeeyay ay 2-0 garoonkooda kaga badiyeen Real Zaragoza, iyagoo jabiyay labo guul darro oo isku xigta tartamada oo dhan.
Si kastaba, Lille ayaa iyadana xaalad ka sii xun ku jirta, waxaana ay horyaalka Ligue 1 ka fadhiyaan kaalinta 15aad iyagoo leh kaliya 7 dhibcood, mana aysan badinin 5tii kulan ee ugu danbeysay.
Waxaana Lille ay aad ugu baahan tahay inay rogto natiijo xumadeeda iyo taariikhda ay Spain ku leeyihiin, iyadoo Valencia ay rikoor fiican ka heysato kooxaha Faransiiska ee tartamada yurub, iyagoo wada badiyay 7 kulan oo ay ka horyimaadeen, islamarkaana mudadaas ku dhaliyay 18 gool halka shabaqooda la soo taabtay kaliya seddex jeer.
GROUP F:
BATE Borisov v Bayern Munich – Waqtiga: 9:45 p.m xilliga Soomaaliya
Valencia v Lille – Waqtiga 9:45 p.m xilliga Soomaaliya