
Mikel Arteta ayaa isna shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo ka dib dhaawac soo wajahay, lakiin waxaa la filayaa inuu kursiga keydka soo fariisan doono, halka Bacary Sagna uu garoomada ka maqnaan doona ilaa bisha September.
Laurent Koscielny iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la filayaa inay soo kabsadaan ka hor kulankaan, lakiin Per Mertesacker ayaa ku soo bilaaban doona hadii Koscielny taam u noqon waayo kulankaan. Tomas Rosicky ayaa isna dhaawac ah sidaasi darteed waxaa laga yaabaa in Aaron Ramsey uu ku bilowdo.
Kooxda Sunderland ayaa dhaawacyo ka qabta dhanka daafaca, iyadoo Wes Brown iyo Phil Bardsley ay labadoodaba isbuucyo yar maqnaanayaan, islamarkaana Michael Turner uu ku biiray Norwich.
Waxa ay la soo wareegeen dhawaan Lous Saha kaasoo diyaar u noqon kara kulankaan, isagoo la filayo inuu weerarka ku soo bilowdo. Stephane Sessegnon ayaa la filayaa inuu ciyaaro inkastoo uu dhibaato ka qabo cagta, lakiin David Vaughan ayaa dhaawac ku maqan.
MA OGTAHAY?
- Arsenal ayaan laga badinin 11kii kulan ee ugu danbeysay ee ay horyaalka ku furtaan, lakiin waa markii ugu horeysay ee ay xilli ciyaareed ku furtaan kulan garoonkooda tan iyo 2008dii, markaasoo ay 1-0 kaga badiyeen West Brom goolkaasoo uu u dhaliyay Samir Nasri.
- Tan iyo intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League, Arsenal waxa ay badisay 12 kulan waxaana laga badiyay seddex kulan oo ah kulamadii ugu horeysay ee ay horyaalka ku furtaan, lakiin kulankoodii ugu horeeyay ee Premier League abid waxa ay guuldarro 4-2 ka soo gaartay Norwich City 1992kii.
- Nicklas Bendtner ayaa amaah ku qaatay Sunderland xilli ciyaareedkii hore, isagoo u dhaliyay sideed gool 28 kulan oo uu u saftay.
- Daafaca Arsenal Carl Jenkinson ayay u banaan tahay inuu kubad heer caalami ah u ciyaaro dalalka England iyo Finland madaama ay hooyadiis Finland u dhalatay, lakiin inkastoo xulka Finland looga yeeray weli ma uusan go’aansan halkii uu u ciyaari lahaa.
- Gunners ayaa laga badiyay kaliya hal jeer 17kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay ka horyimaadaan Sunderland, guuldardaasna waxa ay aheyd Novermber 2009kii oo ay Sunderland ku badisay 1-0.
- Tababaraha kooxda Sunderland Martin O’Neill ayaa hal mar kaliya guul ka gaaray Arsene Wenger intii uu tababare ahaa, guushaasna waa markii Aston Villa ay 2-0 kaga badisay Arsenal November 2008dii ciyaar ka dhacday Emirates.
- 28 boqolkiiba goolashii laga dhaliyay xilli ciyaareedkii hore Sunderland waxa ay ahaayeen madax, waa kooxda ugu badan Premier League ee xilli ciyaareedkii madax goolal looga dhaliyo.