
Waxaa geesaha isgeli doona kooxda horyaalka Spain iyo kooxda horyaalka England, kooxo caan ka ah suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waa kulan malaayiin ay indhaha ku heyn doonaan caawa.
Kulanka: Real Madrid v Manchester City
Garoonka: Santiago Bernabeu
Waqtiga: 9:45pm xilliga Afrikada Bari.
LINE-UPKA MACQUULKA AHREAL MADRID
Casillas
Arbeloa, Ramos, Pepe, Marcelo�
Alonso, Khedira
Ozil, Modric, Cristiano Ronaldo
Benzema
MANCHESTER CITY
Hart
Maicon, Kompany, Lescott, Clichy
Yaya Toure, Barry
Silva, Nasri
Tevez, Aguero
Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa heysta koox taam ah oo uu ka soo xulan karo kulankiisa ugu horeeya Champions League ee xilli ciyaareedkan, lakiin xanta ku aadan in xiddiga Cristiano Ronaldo uusan qanacsaneyn ayaa weli buuxineysa boogaga hore ee dalka Spain iyo debedaba.
Tababare Roberto Mancini ayaa isna heysan wax dhaawac cusub ah ka hor kulankaan, lakiin waxaa jira ciyaaryahano dhowr ah oo seegaya safarkaan ay ku tagayaan Madrid.
Daafaca reer Brazil Maicon ayaa laga yaabaa in la ciyaarsiiyo kulankiisii ugu horeeyay Champions League ee Man City, ka dib markii uu ciyaaray kulankii Stoke, iyadoo Micah Richards uu la dagaalamayo dhaawac canqowga ah, halka Pablo Zabaleta uu isna ku jiro soo kabsasho.
Dhinaca kale Jack Rodwell ayaa laga yaabaa inuu ka soo kabsado dhaawaciisa ka hor kulanka caawa, halka Sergio Aguero ay macquul tahay inuu ciyaaro ka dib markii uu dhaawaca jilibka ka soo kabsaday ka hor xilligii la filayay.
MA OGTAHAY?
- Guuldaradii Real Madrid ka soo gaartay Sevilla ayaa ka dhigtay inay sideed dhibcood ka danbeeyaan Barcelona ka dib afar kulan oo la ciyaaray.
- Los Blancos ayaa koobkaan ku guuleysatay in ka badan inta ay ku guuleysatay koox kale, waxaana ay qaadeen sagaal jeer.
- Si kastaba, markii ugu danbeysay ee ay ku guuleystaan Champions League waxa ay aheyd 2001-02 iyadoo uu markaas macalin u ahaa macalinka haatan ee Spain Vicente del Bosque.
- Guuldaradii Madrid ee Sevilla waxa ay aheyd guuldaradoodii labaad ee horyaalka ilaa iyo haatan, waana tiro la mid ah intii laga badiyay horyaalka xilli ciyaareedkii hore oo dhan.
- Manchester City ayaa weli ilaashan la’ shabaqeeda xilli ciyaareedkan.
- Sergio Aguero ayaa ahaa ciyaaryahanka ugu goolasha badan yurub ee kooxda xilli ciyaareedkii hore isagoo u dhaliyay shan gool.
- Manchester City ayaa ku garaacday kooxdii xilli ciyaraeedkii hore gaartay finalka ee Bayern Munich 2-0 ciyaarihii group-yada kulan ka dhacay garoonkooda. Kooxda Jarmalka ayaana wareegii semi-finalka ku reebtay Real Madrid.
- Roberto Mancini ayaa ku guuldareystay inuu ku guuleysto koob weyn oo yurub ah afartii sanno ee uu joogay kooxda Talyaaniga ee Inter Milan, halka Jose Mourinho uu la qaaday Inter Milan sannadkiisii labaad ee uu San Siro joogay.
Waxaan shalayto akhristayaasheena u soo bandhignay codbixin ay ku sadaalinayaan kulankaan xiisah leh ee la sugi la’yahay ee caawa dhacaya, waxaana natiijada codbixinta ay noqotay sida tan:
Akhristayaasha laacib.net waxa ay sadaaliyeen in caawa ay badin doonto Real Madrid, 1218 akhriste ayaa ka qeyb qaadatay codbixinteena, waxaana 50% ay sadaal ku bixiyeen in guusha ay raaci doonto Los Blancos, halka 41% ay sadaaliyeen in Manchester City ay badin doonto. 9% ayaana tiri barbaro ayay ciyaarta ku dhamaan doontaa.
Markaan aan eegno fekradaha qaar ee akhristayaasheena ay ka qoreen kulankaan:
Capitano Abti Doon MacQulsome ayaa fekerkiisa ku soo qoray bogga aan ku leenahay Facebook waxaana uu sadaalinayaa in ciyaarta ay ku dhamaan doonto barbaro, waxaana uu sharaxayaa sababaha uu u adeegsaday sadaashaas:
Salaama Dhmn Bahda Laacib.Net, Sln Kadib:
Waa Kulan Xiiso Leh, Isla Markaana Dhmn Inta Sports-Ka Jecel Wada Sugi La’Yihiin, Balse Ay Adag Tahay In Saadashiisa Lagu Dag Dago.
Kooxda Los Blancos Ayaa Waxaa Heysta Dhibaatooyin Dhanka MaskaxdaAh, Iyagoo Dhexda Kaga Jira Is Qab Qabsi & Fara Ku Taag U Dhexeeya Tababare Special One & Xidigihiisa.
Waxay Ila Tahay In Kulakani Uu Ku Dhamaanayo Barbaro.
Waxaana U Sababeynayaa:
Los Blancos:�
1-Xidigaha Oo Niyad Jab Weyn Ka Qaaday Hadalkii Mourinho Oo Ay U Sii Dheer Tahay Guul Daradii Sevilla.
2-Gool La’aanta CR7 Iyo Weliba Qaab Ciyaareedkiisa Oo Soo Yaraanaya Kadib Hadalkiisii Ahaa” Kuma Faraxsani Real Madrid”.
3-Taageerayaasha Los Blancos Oo Soo Bandhigi Doona Caradooda Ah Iney Ka Xun Yihiin Qaab Ciyaaredka Kooxda Iyo Is Qab Qabsiga U Dhexeeya Manager Special One & players-Kiisa.
Marka La Isku Daro Waxyaabahaas Aan Soo Xusay, Waxay Faa’iido U Tahay Kooxda Ka Dhisan Magaalada Manchester Ee Sky Blue.
Kooxda Ah Horyaalka EPL Ayaa Iyana Ku Ciyaareysa Meel Ka Baxsan Garoonkeeda, Waxayna Wajahayaan Naadi Wata Macalin Khibrad Leh & Xidigo Waa Weyn, Sidaasi Daraadeed Uma Maleynayo In Sky Blue Ay Guul Ku Soo Gaareyso Bernabue Stadium, Taa Badalkeeda Xidigaha Uu Wato R.Mancini Waxaan Rajeynayaa Iney Ku Qanacsan Yihiin Draw, Maadama Ay Booqanayaan Naadiga Ugu Koobabka Badan UCL.
Xongor Btn ayaase qaba feker ka duwan waxa uu aaminsan yahay in Real Madrid ay badin doonto, islamarkaana guuldaradii Sevilla aysan ku noqon doonin niyadjab balse ay ka qaadi doonaan dhiirogelin:
Real ayay ubadantahay inay gurigeeda guul muhiim ah kaga gaarto city kooxda mourinho ayaa guul dareysatay kulanki laligaha ee axadii kooxda special one ayaa lagayaabaa inay boorka iska jafaan ayagoo dhiiri galina ka helaya taagerayal aad ufara badan sadasheyda waxaa sidan Real madrid 2_1 man city.
Lamaak jijigawi �ayaa isna ku soo qoray qeybteena fekradaha inuu filanayo in Manchester City ay guul taariikhi ah ku gaarto Santiago Bernabeu:
hadan u gudagalo fikradayda
¤ Man city waa koox adag misana haysata ciyartooy waayo arag ah oo spain iyo italy ba kasoo ciyaaray Sidaas oo ay tahay Real madridna kama liidato oo ayada laftirkeeda waa koox adag lakiin malmahan dambe Real waxad moodaa inay sidii hore aysan ahayn oo ay wax ka qaldan yihiin markaa ani ahaan saadaashu waxay ila tahay Inay Mancity ka faa idaysan doonto isku dhex yaaca ka jira Real madrid waad mahad san tihiin dhamantiin
Real Madrid 1 vs Man City 2