
Kulankaan ayaa la filayaa inuu caawa noqon doono kulankii ugu weynaa ee kubada cagta ee la daawado, iyadoo ay ku sii jeesan doonaan sida la filayo ilaa 300 milyan oo daawadayaal ah kuwasoo indhaha ku heyn doono waxa ka dhacaya Munich.
Sida UEFA ay sheegtay xiisaha u leeyahay kulankaan darteed in ka badan hal milyan ruux ayaa soo dalbatay tikidhka lagu galayo garoonka Allainz Arena, lakiin in ku dhow 66 kun oo taageerayaal ah oo uu garoonka qaadi karo ayaa nasiib u yeeshay inay helaan ama iibsadaan tikidhadaas.
Inkastoo uu garoonka hooy u yahay Bayern Munich, hadana waxaa loogu ciyaarayaa sidii garoon dhexdhexaad ah, waxaana UEFA ay si siman ugu qeybisay min 17,500 tikidho labada kooxood, halka 7 kun tikidho laga iibiyay taageerayaasha caalamka daafihiisa kala joogo iyagoo ka iibsaday website-ka UEFA ee uefa.com, inta soo hartay waxaa qeybsanaya guddiga qabanqaabada, 53da xiriir ee uu ka kooban yahay UEFA, shirkadaha xayaysiinta kula jira iyo saxaafada baahineysa ciyaartaan.
Hadii Bayern Munich ay ku guuleysato caawa Champions League waxa ay noqon doontaa kooxdii ugu horeysay ee koobkaan ku qaada garoonkeeda intii magaca Champions League loo bixiyay.
Hadii Chelsea ay raacdo wadadii Liverpool ay Roma kaga qaaday garoonkeeda koobkan, waxa ay noqon doontaa kooxdii ugu horeysay ee London geysa koobka ugu qiimaha badan yurub.
MAXAA KA CUSUB:
Bayern Munich waxaa ganaax kaga maqnaan doona seddex ciyaaryahan oo kale ah Holger Badstuber, David Alaba iyo Luiz Gustavo finalka caawa ka dhacaya Allainz Arena ee Champions League.
Daafaca Breno ayaa dhaawac jilibka ah ku maqan halka Daniel van Buyten aan la isku haleyn karin inuu taam yahay iyo in kale, sidaasi darteed waxa ay u badan tahay Anatoliy Tymoshchuk iyo Diego Contento inay buuxin doonaan boosaska ay ka maqan yihiin Badstuber iyo Alaba.
Thomas Muller ayaa isna laga yaabaa in dib loogu soo darro line-upka kooxda Bayern Munich.
Dhinaca kale tababaraha ku meel gaarka ah Roberto Di Matteo ayaa rajo weyn ka qaba in Gary Cahill iyo David Luiz ay taam noqdaan ka hor kulanka caaw.
Labada daafac ayaa ku soo laabtay tababarka ka hor kulanka Bayern Munich ee finalka Champions League.
Cahill iyo Luiz ayaa labadoodaba dhaawac ku maqnaa, halka Florent Malouda uu xalay si gooni ah tababar u qaatay ka dib dhaawac isna si gaar ah u soo gaaray.
John Terry, Branislav Ivanovic, Ramires iyo Raul Meireles ayaa dhamaantood ganaax ku maqan.