
LINE_UPKA MACQUULKA AH:CHELSEA
Cech
Ivanovic, Cahill, Terry, Cole
Ramires, Mikel, Lampard
Hazard, Torres, Mata
JUVENTUS
Buffon
Barzagli, Bonucci, Chiellini
Lichtsteiner Pirlo, Asamoah
Vidal, Marchisio
Giovinco, Vucinic
Chelsea ayaa ku bilaabaneysa difaacashadeeda Champions League kulan ay caawa la ciyaarayaan kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus, iyadoo labada kooxoodba ay hogaaminayaan horyaaladooda ka dib guulo ay gaareen isbuucyadii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan.
John Terry iyo Ashley Cole ayaa labadoodaba ka soo kabsaday dhaawacyo qancowga ah oo ay qabeen, waxaana ay ciyaari doonaan kulanka Bianconeri. Robero Di Matteo ayaa sidoo kale dib u soo dhaweyn doona Juan Mata oo ka maqnaa Chelsea kulankii ay barbaraha goolal la’aanta la galeen kooxda QPR.
Juventus waxaa ka maqnaan doona daafacii hore ee Inter Lucio kaasoo canqowga uu dhaawac ka soo gaaray, iyadoo Andrea Barzagli iyo Giorgio Chiellini la filayo inay daafaca danbe ka garab ciyaaraan Leonardo Bonucci.
Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Paul Pogba ayaan weli kulan rasmi ah u safan Juventus, lakiin waxaa laga yaabaa inuu caawa qeyb ka ciyaaro ka dib markii lagu soo daray kooxda Old Lady.
MA OGTAHAY?
- Chelsea ayaa ku guuleysatay dhamaan lixdii kulan ee ay ku ciyaareen garoonkooda Champions League xilli ciyaareedkii hore.
- Kooxda Blues ayaa ku dhameysatay kaalinta koowaad ee garoup-keeda 7 ka mid ah 9kii xilli ciyaareed ee u danbeysay Champions League.
- Chelsea ayaa badisay kulankii ugu danbeeyay ee labada kooxood, iyagoo wadar ahaan labada lug ku badiyay 3-2.
- Gianluigi Buffon ayaa ciyaari doona kulankiisiii 400aad ee Juventus, hadii uu safto kulanka caawa.
- Juventus ayaan dhinaceeda dhulka la dhigin 42 kulan oo Serie A ah, oo soo bilaabatay dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2010-11.
- Juventus ayaa ah mid ka mid labada kooxood ee kaliya Champions League ku qaaday dhulkooda, kooxda kale waa Borussia Dortmund.
Codbixintii aan shalay idinka qaadnay ee ku aadaneyd sadaalinta kulankaan xiisaha iyo xamaasada leh, ayaa waxaa ka qeyb qaatay 845 akhriste.
Waxaana akhristayaasha laacib.net ay sadaaliyeen in kulankaan ay badin doonto Chelsea, iyadoo 52% ay sidaasi sadaasha ku bixiyeen. Intii codkooda dhiibatay 44% ayaa sadaal ku bixisay in Juventus ay guul ku gaari doonto Stamford Bridge, halka 4% ay sadaaliyeen in ciyaarta caawa ay barbaro ku dhamaan doonto.
Hadaba akhristayaasheena ayaan sidoo kale weydiinay shalay in feker ka dhiibtaan ciyaarta caawa, waxaana soo qaadan doonaa qaar ka mid ah oo ay indhaheena soo qabteen.
Hussein Ahmed ayaa boga aan ku leenahay Facebook ku soo qoray in Chelsea ay badin doonto isagoo u cuskanaya guulihii ay xilli ciyaareedkii hore ku gaartay gurigeeda ciyaaraha Champions League:
Run ahaanti waa ciyaar adag labada koxoodba aad ayeey u wanaagsanyihiin lkn ani ahaan fakarkeyga guushu waxey raaceysaa Chelsea waxaan taas u leyahay anoo katixracaya xili ciyaareedki hore Kulamadi ay ku cayartay gurigeeda oo ay kaga badisay kooxo waa weyn sida: Napoli,Barcelona iyo Banfica. Mahadsanidiin dhamaan bahda Laacib.net
Ken Nena ayaa isna qaba Drogba oo ka maqan Chelsea iyo ciyaartoyda ay Juve heysato sida Buffon iyo Pirlo inay guusha si sahlan ku raaci doonto Bianconeri.
Goolhaye Buffon si fudud waxba lagama dhalin karo Pirlo waa nin aad u adag, Juve way ka adagtahay Chelsea ciyaar ahaan tariikh ahaan, sumcad ahaan iyo tageeraba. Juve ayaa ku leh, waayaheedii ciyaareedna way soo celisay, qofki yaqana ayaa yaqaana. Bianconeri 3 Chelsea 0, waayo Drogba wuu ka tegey yaa kale oo goal u dhalin kara?