
Kulanka: AC Milan v Inter
Garoonka: San Siro
Waqtiga: 9:45 p.m xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AHAC MILAN
Abbiati
De Sciglio, Bonera, Zapata, Antonini
De Jong, Ambrosini
Nocerino, El Shaarawy, Emanuelson
Pazzini
INTER
Handanovic
Ranocchia, Samuel, Juan
Zanetti, Gargano, Guarin, Pereira, Nagatomo
Milito, Cassano
Waa kulankii ugu horeeyay ee Derby della Madonnina ee xilli ciyaareedkan, muhiimada uu labada dhinac u leeyahay ayaa markaan ka dhigeysa waxa laga filan karo kulankaan mid aad u sareysa. Guul la’aantii San Siro waa ay soo dhamaatay, iyadoo labada kooxood ee reer Milan ay dhawaan kaga badiyeen Cagliari iyo Fiorentina, laakiin sida xun ay labada kooxood ku bilowdeen ayaa sii murjin doonta caawa in midkoodna uu guuldarro ka soo gaarto kooxda kale ee ay aadka u xafiiltamaan.
Tababaraha Inter Andrea Stramaccioni ayaa goor horeba rajo xumo ka sii muujiyay kulankaan, isagoo sheegtay in Rossoneri ay ugu cadcadahay, laakiin hadii uu ciyaar maskaxeed la sameeyanayay tababaraha cadaadiska saaran yahay Allegri taas dood ayaa ka taagan, iyadoo Inter ay ku jirto kaalinta 3aad ee Serie A halka Milan ay fadhiso kaalinta 11aad.
Labada kooxood ayaa kulankaan geesaha isgeli doona iyadoo guulo ka soo gaaray tartamadoodii yurub ee Champions League.
Xiddiga reer Holland Wesley Sneijder ayaa shaki weyn uu ku jiraa inuu u ciyaari karo Inter ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray bowdada. Rodrigo Palacio, Dejan Stankovic iyo McDonald Mariga ayaa iyagana la filayaa inay seegi doonaan halka baaritaan xilli danbe ah uu mari doona daafaca Cristian Chivu, inkastoo ay u badan tahay inaysan Inter iska bedeli doonin seddexda daafac ee xilli ciyaareedkan si fiican u shaqeeyay.
Rossoneri ayaa iyagana waxa ay u badan tahay inuu ka maqnaan doono xiddigooda reer Brazil Patp, taasoo la micno ah in Giampaolo Pazzini uu afka hore isku bilaaban doono iyadoo Stephan El Shaarawy uu gadaashiisa ka ciyaari doono. Daafaca Didac Vila iyo ciyaaroytoyda ka khadka dhexe Sulley Muntari iyo Rodney Strasser ayaa iyagana diyaar aheyn.
MA OGTAHAY?
- AC Milan iyo Inter markii ugu danbeysay ee ay dhibcaha qeybsadaan waxa ay aheyd 19 kulan ka hor, waa rikoor soo bilowday October 2004.
- Guushii ugu weyneyd ee Rossoneri ay abid ka gaarto kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Inter waxa ay aheyd 8-1 oo ay ku dubteen koobkii Coppa Mauro xilli ciyaareedkii 1917-18.
- Kooxda Diavolo ayaa gacanta sarre leh kulanka derby-ga ah, waxa ay badiyeen dhamaan kulamadii ay isaga horyimaadeen tartamada oo dhan 81 kulan, halka Inter ay badisay 76 kulan.
- Inter ayaa guusha ay raacday labadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka iyadoo ku badiyay 4-2 bishii May, markaasoo Diego Milito uu seddexleey dhaliyay, taasoo aheyd markii ugu horeysay ee seddexley laga dhaliyo kulankaan tan iyo 1953dii, iyo guushii ka horeysay ee 1-0 taasoo uu sidoo kale goolka guusha Inter u dhaliyay Milito.
- Guushii ugu weyneyd ee Nerazzurri ay ka gaarto kooxda ay xafiiltamaan ee Milan waxa ay aheyd 5-0 bishii Febraayo 1910kii.
- Haddii Inter ay dhaliyo labo gool kale ama wax ka badan kulanka caawa ee Milan, waxa ay gaari doonaan in ka badan 300 gool oo ay ka dhaliyeen Rossoneri.