
Sidaasi darteed, weeraryahanka Chelsea Fernando Torres oo qaab ciyaareedyo kala duwan soo bandhigay 18kii bilood ee u danbeysay ayay u badan tahay inuu tababare Vicente del Bosque uu ku soo bilaabi doono afka hore, inkastoo weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente uu isna fursad heysto.
Dhanka daafaca, booska Puyol uu ka maqan yahay ee daafaca dhexe waxaa la filayaa inuu buuxin doono Sergio Ramos halka daafaca midig uu ka ciyaari doono Alvaro Arbeloa. Dhanka kale Cesc Fabregas ayaa laga yaabaa inaanan riski la gelinin in lagu soo bilaabo ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu ka soo qaaday finalkii Copa del Rey lakiin Juan Mata iyo Santi Cazorla ayaa rajeynaya inay helaan fursad dhanka weerarka ah.
Italy ayaa iyagana dhibaatooyinkooda gooniga ah qaba, iyadoo daafaca Domenico Cristico looga soo tagay xulka madaama looga shaki qabo inuu qeyb ka yahay fadeexada la xiriirta qamaarka ee ruxday dhawaanahan Italy, halka Giuseppe Rossi uu isna dhaawac dartiis uusan uga qeyb qaadan karin koobkaan, Andrea Barzagli ayaa isna dhaawac ah waxaana la filayaa inuu seego labada kulan ee ugu horeysa Group C.
Daafaca Giorgio Chiellini ayaa seegay kulankii Azzurri ay guuldarada 3-0 ka soo gaartay Russia, lakiin waxa uu sheegtay inuu si buuxda u soo kabsaday islamarkaana uu daafaca ku soo bilaaban doono. Ciyaaryahanka khadka dhexe Daniele De Rossi ayay u badan tahay inuu ciyaari doono daafaca seddexda ah ee la filayo inuu ku soo shirtago tababare Prandeli, madaama uu ka soo wareeganayo qaab ciyaareedka 4-3-1-2, waxaana la filayaa inuu ku soo shir tago 3-5-2.
Emanuele Giaccherini iyo Federico Balzaretti ayaa u dagaalami doona booskooda garabka bidix, lakiin Antonio Cassano iyo Mari Balotelli ayaa la filayaa inay weerarka kawada ciyaari doonaan.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Spain (4-2-3-1): Casillas; Arbeloa, Ramos, Pique, Alba; Xabi Alonso, Busquets; Silva, Xavi, Iniesta; Torres
Italy (3-5-2): Buffon; Bonucci, De Rossi, Chiellini; Maggio, T. Motta, Pirlo, Marchisio, B’retti; Balotelli, Cassano
MA OGTAHAY?
- Spain iyo Italy waxa ay wada kulmeen 29 jeer, 8 ka mid ah oo 7 ka mid ah ay tahay ciyaar saaxiibtinimo waxaa badisay Spain, halka 10 kulan ay badisay Italy 11 kulana barbaro ayay ku kala baxeen.
- La Furia Roja ayaa badisay 41 kulan oo ka mid 45tii kulan ee ugu danbeysay.
- Markii ay ku guuleysanayeen Euro 2008, Spain waxa ay Azzurri kaga badisay wareega 8da rigoore, ka dib barbaro 0-0 oo ay wada galeen.
- Italy ayaa kulankii ugu danbeeyay ee ay wajahdo Spain waxa uu ahaa ciyaar saaxiibtinimo bishii August 2011, waxaana ay 2-1 ku dubteen La Roja iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Riccardo Montolivo iyo Alberto Aquilani.
- Cassano ayaa isreebreebkii koobkaan waxa uu ahaa ciyaaryahanka ugu goolasha badan Italy waxaana uu dhaliyay lix gool.
- Xulka Azzurri waxa ay badiyeen kaliya labo gool sagaalkoodii kulan ee ugu danbeysay ciyaaraha Euro, shan ka mid ah barbaro ayay galeen, laba kulana waa laga badiyay.
- Ma jiro ciyaaryahan ku jira xulka haatan ee Prandeli oo dalkooda u dhaliyay wax ka badan 10 gool, Antonio Di Natale iyo Daniele De Rossi ayaana 10 gool dhaliyay.
Spain v Italy (waxa ay soo geli doontaa 7da fiidnimo xilliga Afrikada Bari)
Republic of Ireland v Croatia (Waxa ay soo geli doontaa 9:45 PM xilliga afrikada bari)
Sadaal ka bixi kulamadaan xiisaha leh ee caawa dhici doona?