
LINE-UPKA MACQUULKA AH:Inter
Castellazzi
Zanetti, Silvestre, Ranocchia, Nagatomo
Guarin, Gargano, Cambiasso
Palacio, Sneijder
Milito
Roma
Stekelenburg
Piris, Burdisso, Castan, Balzaretti�
Marquinho, De Rossi, Pjanic
Lamela, Destro, Totti
Inter ayaa raaci doonta wadadii ay 3-0 kaga soo badiyeen Pescara axadii hore, iyadoo la filayo inay la soo shirtagaan line-up aan ka duwaneyn midkaas kulanka caawa ee Roma.
Isbedelka kaliya ee la filan karo inuu sameeyo Andrea Stramaccioni ayaa ah inuu keeno Rodrigo Palacio oo uu ku bedelo Antonio Cassano, ka dib markii ciyaaryahanka Talyaaniga uu dhaawac fudud ka soo gaaray kulankii Europa League ee khamiistii.
Kooxda reer Milan ayaa weli waxaa ka maqan Samir Handanovic, Dejan Stankovic, Ricky Alvarez iyo Gabi Mudingayi, lakiin waxa ay goolka ku aamini doonaan goolhaye Luca Castellazzi, Walter Gargano iyo Freddy Guarin khadka dhxe, halka Wesley Sneijder uu ciyaari doono booska ka danbeeya weeraryahanada.
Dhinaca kale Roma ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha Michael Bradley, waxaana laga yaabaa inay keenaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Marquinho oo uu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeeyay.
Zdenek Zeman ayaa laga yaabaa inuu sidoo kale sameeyo hal bedel kale, isagoo Mattia Destro ku bedelaya Pablo Osvaldo. Dabeecada madaalenimada ee ciyaaryahanka da’da yar ayaa keeneysa inuu ka garab ciyaaro Erik Lamela iyo Francesco Totti.
Wixii intaas ka soo hara waxa ay u badan tahay inay noqon doonaan ciyaartoydii ciyaartay kulankii ay axadii hore barbaraha 2-2 la galeen Catania, iyadoo tababaraha reer Czech uu raadinayo guushiisii ugu horeysay ee isagoo Giallorossi tababare u ah.
MA OGTAHAY?
- Inter ayaa badisay 69 kulan oo ay ka horyimaadeen Roma , halka Roma ay badisay 44 kulan oo Serie A, waxaana ay labada kooxood barbaro galeen 45 kulan.
- Kooxda Nerazzurri ayaa ka badisay kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga in ka badan intii ay ka badiyeen kooxaha kale ee horyaalka.
- Intii uu macalin u ahaa Andrea Stramaccioni, kooxda San Siro ka dhisan ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso kaliya hal kulan.
- Roma ayaa dhalisay 199 gool, waxaana laga dhaliyay 260 gool intii ay iska horyimaadeen Inter, waana goolasha ugu badan ee ay iska dhaliyeen labo kooxood oo Serie A ah.
- Kooxda Giallorossi ayaan badinin shan kulan oo ay booqdeen San Siro.