
Lugtii hore oo todobaadkii hore ka dhacday garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou waxaa 3-2 ku badisay kooxda reer Catalans, iyagoo uga mahadcelinaya goolal ay u kala dhaliyeen Pedro, Lionel Messi iyo Xavi halka Real Madrid ay labada gool u dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Angel di Maria.
Lugta labaad ee Spanish Supercopa ayaa imaaneysa xilli kulamadii ugu danbeeyay ee horyaalka ee labada kooxood ay iyaga laftooda soo saareen natiijooyin lama filaan ah, Barcelona ayaa kulan adag kala kulantay Osasuna inkastoo ay uga badiyeen 2-1, halka Real Madrid ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Getafe.