
Garoonka: Stamford Bridge
Waqtiga: 7da maqribnimo xiliga Soomaaliya
MAXAA KA CUSUB?Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Frank Lampard ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo labo isbuuc ah ka dhaawac ka soo gaaray kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Shakhtar Donestsk ee Champions League.
Kooxda Blues ayaa waxaa sidoo kale ka maqan kabtan John terry, kaasoo ku maqan ganaax afar kulan ah.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Shinji Kagawa ayaa isna muddo afar isbuuc ah la maqnaan doona dhaawac jilibka ah.
Daafaca Chris Smalling ayaa dib ugu soo laabtay tababarka ka dib markii uu dhaawac ka soo kabsaday, halka Phil Jones iyop Andres Lindegaard ay weli dhaawac ku maqan yihiin.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:CHELSEA
Cech
Ivanovic, Luiz, Cahill, Cole
Ramires, Mikel
Hazard, Oscar, Mata
Torres
MANCHESTER UNITED
De Gea
Rafael, Ferdinand, Evans, Evra
Valencia, Cleverley, Carrick, Nani
Rooney
Van Persie
XAQIIQOOYINKA CIYAARTA:Fool -ka fool
- Labada kooxood ayaa 40 kulan ciyaaray tan iyo intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League. Chelsea ayaa badisay 13 kulan, halka United ay badisay 12 kulan, iyadoo labada kooxood ay iska dhaliyeen mudadaas 53 gool. Chelsea ayaa ah kooxda kaliya ee ee intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League 20 sanno ka hor rikoor fiican oo dhanka guusha ah ka heysata Sir Alex Ferguson.
- Chelsea ayaan guuldarro kala kulmin Manchester United horyaalka Premier League iyagoo ku ciyaaraya Stamford Bridge 10kii kulan ee u danbeysay, waxaan ugu danbeysay Man United oo horyaalka ku badisay Stamford Bridge bishii April 2002, markaasoo ay ku badiyeen 3-0. Waa waqtiga ugu dheer ee United aysan koox horyaalka ah kaga badinin garoonkeeda tan iyo 16kii kulan ee isku xigay ee ay West Ham garoonkeeda kaga badin weysay 1969 ilaa 87.
- Manchester United ayaan iyadana dhinaceeda dhulka loo dhigin shantii kulan ee u danbeysay ee ay wajahaan Chelsea tartamada oo dhan, iyagoo badiyay afar ka mid ah halka kulanka kale ay barbaro galeen.
- Chelsea ayaa 22 dhibcood ka heshay 8dii kulan ee ugu horeysay ee ay ciyaareen Premier League. Dhibcahaas iyo kulamadaas wax ku dhow ama ka badan taariikhda 20ka sanno ee Premier League waxaa sameysay uun Chelsea oo 24 dhibcood ka heshay 8dii kulan ee ugu horeysay ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkii 2005-06.
- Kooxda reer London ayaa ah kooxda kaliya ee ilaa iyo haatan kulamadeeda Premier League ee garoonkeeda ku heysata rikoor 100% ah.
- Kooxda Roberto Di Matteo ayaa ka faa’iday lix gool oo horyaalka ay ka dhaliyeen oo ay u dhaliyeen daafacyo xilli ciyaareedkan. Waxa ay sidoo kale ilaa iyo haatan yihiin iyaga iyo Arsenal kooxaha ugu difaaca fiican madaama laga dhaliyay kaliya 6 gool.
- Fernando Torres ayaa dhaliyay afar gool todobadii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka horyimid Manchester United horyaalka Premier League.
- David Luiz ayaa isna shabaqa soo taabtay labadii labadii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka soo muuqday kulanka Premier League ee Manchester United ay kula ciyaarayeen Stamford Bridge.
- Manchester United ayaa ah kooxda haatan ugu goolasha badan Premier League iyagoo 21 gool dhaliyay sideedii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen.
- Robin van Persie ayaa shabaqa soo taabtay lix jeer sideedii kulan ee Premier League uu ilaa iyo haatan saftay, waana goolashii ugu badnaa ee abid horyaalka uu ka dhaliyo iyadoo kaliya 8 kulan la ciyaaray.
- Van Persie ayaa sidoo kale dhaliyay shan gool labadii booqasho ee ugu danbeysay ee horyaalka ee uu ku tagay Stamford Bridge, halka Wayne Rooney uu lix jeer shabaqa soo taabtay sideedii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee uu ka horyimid Chelsea.
- Manchester United ayaa ka soo kabsatay dhibcaha ugu badan ee iyadoo gool looga hormaray ciyaarta marka loo fiiriyo koox kale oo Premier League ah, waxaana ay ku heleen 12 dhibcood. Sideed kulan oo ka mid ah 12kii kulan ee ay ciyaareen horyaalka iyo koobabka kale ayaa gool looga hormaray United xilli ciyaareedkan.
- Kulankaan waxa uu noqon doonaa kulankii 50aad ee uu ka horyimaado Sir Alex Ferguson horyaalka Ingariiska kooxda Chelsea. Waxa uu badiyay 16 kulan, waxaana guuldarro ay ka soo gaartay Chelsea 15 kulan, halka 18 kulan barbaro ay ku kala baxeen 49kaas kulan ee Chelsea ka horyimid. Isagoo sidoo kale lix jeer kaliya horyaalka ku badiyay Stamford Bridge 25 kulan oo uu booqday.