
Garoonka: Anfield
Waqtiga: 3:30pm xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AH:LIVERPOOL
Reina
G. Johnson, Agger, Skrtel, Enrique
Allen, Gerrard, Shelvey
Borini, Suarez, Sterling
MANCHESTER UNITED
De Gea
Rafael, Ferdinand, Vidic, Buttner
Carrick, Scholes
Valencia, Kagawa, Nani
Van Persie
Liverpool ayay u badan tahay inay sameyso kaliya hal bedel kooxdii barbaraha isbuucii hore la gashay Sunderland, iyadoo la filayo in Jose Enrique uu ku soo laabto booskiisa islamarkaana Martin Kelly uu ka baxo line-upka kooxda Reds.
Fabio Borini iyo Raheem Sterling, ayaa labadoodaba bedel ku soo galay kulankii Europa League ee ay khamiistii 5-3 kaga badiyeen Young Boys, waxaana lagu wadaa inay line-upka ku soo laabtaan, iyagoo weerarka ku caawin doona Luis Suarez.
Joe Cole iyo Lucas ayaa weli dhaawac kaga maqan kooxda tababare Brendan Rodgers.
Wayne Rooney iyo Ashley Young ayaan iyagana weli taam u aheyn inay Manchester United u ciyaaraan kulankaan, iyadoo Rooney la filayo inuu ciyaaro isbuuca soo socda halka Young uu maqnaan doono muddo seddex isbuuc ah. Robin van Persie ayaa hogaamin doona weerarka isagoo caawinaad ka helaya Shinji Kagawa.
David de Gea ayaa shabaqa ilaalinayay kulankii Champions League, waxaana ay u badan tahay booskiisa xajisan doono, Alexander Buttner ayaa isna laga yaabaa inuu ku soo laabto line-upka kooxda ka dib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay kulankii Wigan.
MA OGTAHAY?
- Shantii kulan ee ugu danbeysay labada kooxood shabaqa ayay iska soo taabteen, markii ugu danbeysay oo koox ay ku baxdo iyadoo aan shabaqa laga soo taaban waa October 2010 markaasoo Liverpool ay ku badisay 2-0.
- Kooxda Brendan Rodgers ayaa raadineysa kulankoodii ugu horeysay ee shabaqa ilaashadaan, iyadoo xilli ciyaareedkii shabaqa ilaashaday Premier League 11 kulan, sidoo kale waxa ay raadinayaan guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.
- Liverpool ayaa 75 shuud sameysay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waana inta ugu badan horyaalka, lakiin 15 ka mid ah ayaa kaliya ahaa kuwa goolka ku aadan.
- Luis Suarez ayaa abuuray fursadaha ugu fiican ee Premier League (12), lakiin weli caawiye kama uusan noqon gool.
- Nemanja Vidic iyo Michael Carrick ayaa ah kaliya labada ciyaaryahan ee ku bilowday dhamaan afartii kulan ee ay ciyaartay Manchester United ilaa iyo haatan.