
LINE-UPKA MACQUULKA AH:LIVERPOOL
Reina
Johnson, Carragher, Skrtel, Enrique
Gerrard, Lucas, Allen
Borini, Suarez, Downing
MANCHESTER CITY
Hart
Zabaleta, Lescott, Kompany, Clichy
Rodwell, Yaya Toure
Nasri, Tevez, Silva
Balotelli
Brendan Rodgers ayaa nasasiiyay inta badan ciyaartoydiisa muhimka ah kulankii Europa League ee ay ciyaareen habeenkii khamiista, isagoo maanka ku hayay kulankii ay la ciyaarayaan Manchester City.
Steven Gerrard, Luis Suarez, Martin Skrtel iyo Glen Johnson ayaa dhamaantood dib loogu yeeri doonaa line-upka kooxda. Jose Enrique ayaa laga yabaa inuu isaga xitaa ku soo bilowdo ka dib markii kulankii ugu horeeyay xilli ciyaareedka uu ku seegay dhaawac yar oo tababarka ku soo gaaray.
Daniel Agger ayaa ganaax ku maqnaan doona ka dib casaankii uu qaatay West Ham, halka Andy Carroll iyo Joe Cole oo dhaawacyo qaba iyagana ay u badan tahay inaysan ciyaari doonin.
Nuri Sahin oo xalay si rasmi ah amaah ahaan ugu biiray Liverpool ayaan ciyaari doonin kulankaan, waxaana uu ka soo daawan doonaa taribuunka.
Roberto Mancini ayaa waxaa ka maqnaan doona Sergio Aguero oo la filayo inuu garoomada ka maqnaado muddo bil ah ka dib dhaawac soo gaaray kulankii axadii hore ee Southampton. Mario Balotellii ayay u badan tahay inuu weerarka kala ciyaari doono ciyaaryahan Carlos Tevez.
Gareth Barry iyo Micah Richards ayaa iyagana la filayaa inay kulankaan seegaan, taasoo la micno ah in Jack Rodwell uu mar kale u ciyaari doono City ka dib kulankiisii ugu horeeyay ee isbuucii hore.